skip to Main Content

Maraykanka oo Kenya u ballan qaaday 153 milyan oo looga falcelinaya saameynta daadadk

by Abdinajib Abdullahi 

Washington (Boundless media)Dowladda Maraykanka ayaa ballan qaadday inay Kenya siinaysa lacag dhan 153.9 milyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa gargaarka baniaadannimo ee looga falcelinaya saameynta ka dhalatay daadadka wadanka ku dhuftay.
Safiirka Maraykanka ku matasho Kenya Ambasadoor Meg Whitman ayaa sheegtay in xukuumadda Washington ay ka go’an tahay inay Kenya garab siiso xilli qaranku uu wajahaya saameynta mid ka mid ah fatahaadihii soo maray tobaneeyo sano.
Danjiraha ayaa intaasi ku dartay in deeqda ay bixinayaan ay kaalin wayn ka qaadan doonto in dadka ay daadadku saameeyeen ay helaan hooy, agabka nadaafadda iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ee ay u baahan yihiin.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay kaashanayaan ismaamullada , dowladda dhexe, Hay’adda Laanqayrta Cas, deeq bixiyeyaasha , Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga ahayn si loo haqabtiro baahiyaha baniaadannimo ee dadka ay waxyeelladu gaarsiiyeen fatahaadaha.
Ambasadoor Meg Whitman ayaa sheegtay in gudaha Kenya ay daadad ku saameeyeen 500,000 oo qof halka in ka badan 100,000 oo qoysas ah ay barakaceen.
Sidoo kale waxay tilmaantay in ugu yaraan 5 milyan oo qof ay wajahayaan cunno yari baahsan.
Tirada carruurta ee halista ugu jiro nafaqo darrada ayay ku sheegtay hal milyan.
Safiirka Maraykanka ee Kenya ayaa laga soo xigtay in 38.5 milyan oo ka mid ah deeqda gaaraysa 153.9 milyan ee ay Kenya u ballan qaadeen lagu wareejin doono Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya Red Cross halka inta kale la gaarsiinaya hay’adaha kale ee gurmadka fidinaya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top