skip to Main Content

Maraykanka oo xayiraad ku soo rogay Suudaan

by abdinajib abdullahi

sudan(Boundless media)_ Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay cunaqabateyn ku soo rogtay Suudaan .
Waxaa ay shaaca ka qaadday inay la xisaabtami doonto dhammaan dhinacyada carqaladeynaya xasiloonida wadankaasi.
Xayiraadaha ayaa lagu bartilmaameedsanaya shirkadaha lala xiriirinaya madaxa saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF Maxamad Hamdan Dagalo ee gudaha Imaaraadka iyo caasimadda Suudaan ee Khartoum.
Sidoo kale cunaqabateynta Maraykanka ayaa saameynaysa labo shirkadood oo ah kuwa difaaca oo xiriir la leh madaxa militariga Suudaan General Cabdel Fataax al-Burhan.
Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay inuu cunaqabateyn saaraya kuwa rabshadaha sii hurinaya in kastoo uunan si gaar ah u magacdhawin.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top