Skip to content

Mareykanka oo hubkii ugu badnaa iibiyay sanadkii hore

By isxaaq Rashiid Hubka uu Mareykanka iibiyay sanadkii tagay ayaa aad u kordhay kaas oo gaaray ilaa $238 bilyan. Dagaalka Ruushka ee Ukraine ayaana lagu sheegay in ay tahay tan ugu weyn ee keentay in uu kordho.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in hubka la iibiyay uu ka badan yahay 56% kii la iibiyay sanadkii 2022-kii.

Dalka dariska la ah Ukraine ee Poland oo hadda balaarinaya awoodooda militari ayaa ka mid ah dalalka hubka badan ka iibsaday Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa ballanqaaday in uu sii wadayo barnaamijka dowladii hore ee ahaa casriyeenta kaas oo ujeedkiisu yahay in dalka uu noqdo kan ugu awoodda badan Yurub.

Jarmalka waxay ku iibsadeen $8.5 bilyan diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca ee Chinook, Bulgaria gawaarida gaashaaman ayey ku iibsatay $1.5, halka Norway ay hub ku iibsatay 1 bilyan oo doolar.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top