By isxaaq Rashid Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya , Xasan Macallim Maxamuud oo…

Maxa looga hadlaya shirweyne sanadle Ah oo ka socdo ismamulka mombasa,
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Waxaa ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ka socdo shirweyne sanadla ah oo looga hadlaya arrimaha biyaha iyo nadaafadda.
Hal ku dhigga shirka ayaa ah in laga faa’iidaysto tiknolojiyadda iyo hal abuurka si loo dardargeliyo helidda biyo nadiif ah iyo adeegyo nadaafadeed oo wax ku ool ah.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka, Rigathi Gachagua oo shirkaasi furay ayaa sheegay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu ka dhabeynaya ballanqaadkii uu u sameeyay kenyaanka ee ahaa inay heli doonaan biyo saafi ah.
Waxaa uu daneeyayaasha shirka ka qayb galaya ugu baaqay in maalmaha ay haystaan ee ilaa 23-ka bishan ay isku waydaarsadaan aqoontooda iyo khibradooda si xal waara loogu helo baahiyaha iyo caqabadaha dhanka biyaha ee jiro.
Mr.Gachagua ayaa shacabka u sheegay in dowladda dhexe ay sii wadi doonto inay la xiriirto saaxiibadeeda dhinaca horumarka iyo waaxyaha gaarka ah si loo hirgeliyo mashaariic biyaha ka dhigaya kuwo ku filan dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu ismaamullada ugu baaqay inay dowladda dhexe kala shaqeeyaan la tacaalidda caqabadaha biyaha.
Shirweynaha ayaa ku soo beegmay xilli wadanka ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid tahay saameynta isbeddelka cimillada!
This Post Has 0 Comments