skip to Main Content

Maxaa ka cusub wadahadallada Sacuudiga iyo Iran?

By Abdinajib Abdullahi
Wadahadalladii u dhexeeyay Iran iyo Sucuudiga ayaa maraya “marxalad isu soo dhowaasho aad u wanaagsan ah” sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Hossein Amirabdollahian oo shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Beirut Khamiistii.

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya oo ah dalalka ugu awoodda badan Shiicada iyo Sunniga Bariga Dhexe, ayaa ahaa kuwo iska soo horjeeda sanado badan, iyaga oo kala taageeraya dhinacyada ku dagaallamaya Yemen, Suuriya iyo meelo kale, waxaana xiriirkooddu go’ay 2016.
Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudi Carabiya Amiir Faysal bin Farxaan ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay bishii hore wadahadallo toos ah la yeelatay dowladda cusub ee Iiraan, taas oo qayb ka ahayd hannaan wadahadal oo la billaabay horraantii sannadkan, si loo yareeyo xiisadaha u dhexeeyo labada dal.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, saddex wareeg oo ah wadahadallada Sucuudiga iyo Iiraan ayaa lagu qabtay dalka Ciraaq bilo kahor intii aanu xaafiiska la wareegin madaxweynaha cusub ee Iran, Ebrahim Raisi.
Amiir Faysal ayaa sheegay in wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada labada dal uu dhacay 21-kii bishii September, balse ma uusan sheegin halka lagu qabtay shirkaas, inkasta oo taariikhda uu sheegay ay ku beegantay khudbaddii uu Raisi ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.

Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top