skip to Main Content

Boqortooyada Sacuudiga oo iibsatay kooxda kubbadda cagta ee Newcastle United

By Abdinajib abdullahi
Dallad shirkado ah oo uu hoggaamiyo dalka Sacuudi Carabiya ayaa iibsaday kooxda ka tirsan horyaalkaa Premier League ee Newcastle United khamiistii, taas oo soo afjartay wadaxaajoodka qaatay oo muddo dheer.

14-bilood kahor Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sucuudi Carabiya ee (PIF) ayaa ka noqday dalab dhan 305 milyan oo ginni ($ 415.07 milyan) si uu uga iibsado kooxda ka dhigsan waqooyi-bari UK milkiilaheeda Mike Ashley, kadib markii Premier League uu ku guuldareystay inuu bixiyo oggolaanshaha sharci ee kala iibsiga kooxdan waxaana ugu dambeyntii heshiiskan lagu dhawaaqay shalay.
Kadib markii uu Premier League xaqiijiyay in kooxda dhaqaale la’aanta la halgameysa laga iibiyay dallad ka kooban shirkadaha PIF, PCP Capital Partners iyo RB Sports & Media ayaa  taageerayaashu waxay billaabeen inay ku damaashaadaan bannaanka garoonka kooxda Newcastle ee St James ‘Park.
Sanduuqa Maalgashiga Sucuudi Carabiya ee PIF wuxuu hoostagaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, waxaana Sanduuqaas uu leeyahay hanti maaliyadeed oo madax-bannaan oo gaareysa $430 bilyan, taaas oo udub-dhexaad u ah qorshayaasha lagu beddelayo dhaqaalaha Sucuudiga, iyadoo la abuurayo dakhli iyo wax soosaar aan aheyn kan shidaalka.
Bayaan uu soo saaray Yasir Al-Rumayyan, oo ah maamulaha Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Saudi Arabia  ee PIF oo noqon doona guddoomiyaha Newcastle United, ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu la macno yahay maalgelin muddo dheer ah si “looga faa’ideysto awoodda naadigan.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqonno milkiilayaasha cusub ee Newcastle United, oo ka mid ah naadiyada ugu caansan kubbadda cagta Ingiriiska.” ayuu yiri asir Al-Rumayyan.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top