skip to Main Content

Maxay tahay qiimeynta uu Mareykanku ku sameynayo xukuumadda Taalibaan?

mbt abdinajib Abdullahi
Mareykanka ayaa sheegay inuu qiimeynayo ku dhawaaqista Taalibaan ee dowladda ku-meelgaarka ah ee Afghanistan, wuxuuna caddeeyay in rajada ay ka qabaan ay tahay in dadka Afghanistan ay mudan yihiin dowlad loo dhan yahay.

Taalibaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqday dowladda ku-meelgaar Islaami ah, iyaga oo sheegay in uu madax u noqon doono Mullah Hasan Akhund, oo ah nin aad ugu dhow aasaasihii dhaqdhaqaaqa Taalibaan ee geeriyooday Mullah Cumar.
Ugu yaraan 10 ka mid ah 33 xubnood ee Golaha Xukuumadda Talibqan ay ku dhawaaqday Talaadadii ayaa ka mid ahaa kooxdii wadaxaajoodka heshiiska nabadeed ee Feberaayo 2020 ay la galeen Mareykanka, taas oo u gogol-xaartay in dhammaan ciidamada shisheeye ka baxaan Afghanistan, ku dhawaad 20 sano oo dagaal ah.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegay VOA Talaadadii in Mareykanku uu Taalibaan kula xisaabtami doono ballanqaadyadii ay sameeyeen, kuwaas ay ku jireen inay dadka ajnabiga ah iyo kuwa kale ee ka baxaya Afghanistan inay si nabad ah ugu fududeeyaan safarkooda iyo sidoo kale inay oggolaadaan duullimaadyada diyaaradaha.
“Waxaan sidoo kale ku celineynaa in Mareykanku si cad uga filayo Taalibaan inay hubiso in ciidda Afgaanistaan aysan dalalka kale uga imaan  hanjabaad, isla markaana ay oggolaadaan kaalmada bini’aadanimo ee ku socota dadka reer Afghanistan. Adduunku si dhow ayuu u eegayaa. ” ayuu yiri afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.
Ku dhawaaqista xukuumadda Taalibaan ayaa timid maalin kadib markii ay ku dhawaaqday Taaliban inay qabsadeen gobolka waqooyiga ee Panjshir, taasoo soo afjartay iska caabbinta kaliya ee hubaysan ee ka dhanka ah xukunkooda Afghanistan oo ah dal ay colaaduhu aafeeyeen.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Isniintii la weydiiyay weydiiyay in maamulkiisu aqoonsan doono Taalibaan, ayaa yiri, “Maya. Taasi ma dhawa.”

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top