skip to Main Content

Maxay Turkiga uga dhigan tahay in markale uu Erdogan hoggaanka u qabto?

by abdinajib abdullahi

Turkey(Boundless media)_Recep Tayyip Erdogan, oo ah hoggaamiyaha Turkiga, ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay, kana qayb galay in ka badan 12 doorasho, ayaa wuxuu yaqaanaa sida loo kiciyo dadka.
Erdogan ayaa helay ugu yaraan boqolkiiba 52.1 ee codadka halka musharraxa mucaaradka ee la tartamayay Kemal Kilicdaroglu, uu soo hooyay boqolkiiba 47.9 ee codadka.
Madaxweyne Erdogan ayaa quddiisa ku dhawaaqay inuu doorashada ku guulaystay, waxaana u hambalyeeyay madax ay ka mid yihiin Amiirka Qatar iyo ra’iisul wasaaraha dalka Hungary.
Guddiga doorashada dalka Turkiga ayaa markii dambe xaqiijiyay in madaxweynaha xilka haya uu ku guuleystay markale inuu wadankaasi hoggaamiyo.
Erdogan oo hoggaanka Turkiga ku soo biiray sanadkii 2003-dii xilligaasi oo uu noqday Ra’iisul Wasaare ayaa sheegay inuu sii wadi doono mashaariicda horumarineed ee uu maamulkiisa dhaqangeliyay.
Madaxa guddiga doorashooyinka ee Turkiga Ahmet Yener, ayaa sheegay in doorashada ay si habsami leh u dhacday iyadoo aan la soo tabin wax isdabamarin.
Waxaa uu u mahadceliyay codbixiyeyaasha, musharraxiinta madaxweyne, wakiillada , xisbiyada siyaasadeed, saraakiisha ka shaqeynaya goobaha codbixinta , wasaaradaha , hay’adaha dowliga ah, saraakiisha amniga, hay’adaha aan dowliga ahayn iyo warfidiyeennada oo uu sheegay inay si dhow ula socdeen codeynta tan iyo markii ay shalay subax billaabatay.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top