skip to Main Content

Maydadka 50 qof oo laga helay webiga u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya

by Abdinajib abdullahi
Sarkaal u dhashay waddanka Sudan ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Kassala ay ka heleen maydka ku dhawaad 50 qofood webiga u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, oo sida muuqata ka cararayay dagaalka gobolka Tigray, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaas lagu furay.

Qaar kale oo ka mid ah dadkan ayaa gacmaha ka xirnaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal arkay maydadkan.
Sarkaalkan ayaa sheegay Isniintii in loo baahan yahay baaritaan dambi baaris ah, si loo ogaado sababaha dhimashada dadkan, waxaana sarkaakan uu codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan warbixintan loo fasixin warbaahinta.
Laba shaqaale caafimaad oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan bulshada ku nool xadka Sudan ee Hamdayet ayaa xaqiijiyay inay arkeen maydadka laga helay Webiga Setit, oo Itoobiya looga yaqaan Tekeze.
Wabigan wuxuu dhex maraa qaar ka mid ah meelaha ugu dhibka badan ee sagaalkii bilood ee colaadda Tigray, halkaas oo qowmiyadda Tigreegu ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda xadgudubyo intii ay dagaal kula jireen ciidamada Tigrayga.
Tewodros Tefera, oo ah dhakhtar qalliin oo ka cararay magaalada Humera ee Tigreega u dhow, kuna sii jeeday Suudaan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in laba ka mid ah meydadkan oo  la helay Isniintii uu midkood ahaa nin gacmaha laga xiray, halka kalena ay aheyd haweeney uu dhaawac kaga yaallay feeraha, isagoo intaa ku daray in qaxootigii kale ay aaseen ugu yaraan 10 mayd oo kale.
Waxa uu sheegay Tewodros in kalluumeysatada webiga Humera ay maydadkan ka soo heleen sagxadda hoose ee webiga, isla markaana ay rumeysanyihiin inay jiraan maydad intaas ka badan oo ku jira biyaha hoose ee Webiga.
In kasta oo ay adkayd in la aqoonsado meydadka, hadana dhaqtarkan ayaa sheegay in mid ka mid ah gacantiisa uu ku xardhanaa magac Tigrinya oo ah magac guud oo luuqadda Tigreega ah.
Dhakhtar kale oo ka shaqeeya Hamdayet oo arkay meydadka ayaa u sheegay AP in qaarkood ay leeyihiin calaamado wajiga ah oo muujinaya inay yihiin qowmiyadda Tigreega.
Bogga Twitter-ka ee ay dowladda Itoobiya Isniintii ku tilmaamay warbixinta meydadkan olole been abuur ah oo ay faafinayaan dadka ka dhex shaqeeya ciidamada Tigrayga.
xaquuqda weydhowrantahay :boudless media
Sent from my iPhone

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top