skip to Main Content

MD Axmed Madoobe oo farriin culus u diray SACIID DENI

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media)
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Madoobe oo war cusub soo saaray ayaa si adag uga hadlay dagaalkii xooganaan ee Talaadadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Axmed Madoobe ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi, wuxuuna xusay in Garoowe aan looga baran dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

“Dhacdooyinkii ka dhacay Garoowe oo aynan aheyn meel looga bartay dhaqanka gacan ka hadalka ah, Puntland-na ay aheyd aas aaska dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri.

Sidoo kale wwaxa uu tilmaamay in Puntland xilligan oo kale aan laga sugeyn dagaal iyo fowdo, maadaama ay tahay hooyada federaalka Soomaaliya.

“Lama sugeyn Puntland waqtigan maanta ah in arrintaas oo kale ay ka dhacdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo uu tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalkii shalay, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

“Waxaan leeyahay marka hore intii dhimatay Allaha u naxariisto, Innaa Lilaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun, inta dhaawacantana Allaha u booga dhayo,” ayuu mar kale yiri.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray madaxweynaha Puntland, isaga oo dalbaday inuu xaaladda dajiyo, sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan reer Puntland inay qaataan doorkooda, una istaagaan xalinta dagaalkaasi.

“Intaa waxaa raacinayaa madaxweynaha Puntland saaxibkey Saciid, Odayaasha Dhaqanka, Culuma U Diinka iyo Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan samaha wadahadalka iyo is afgaradka,” ayuu farriinta uu soo saaray ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top