By isxaaq Daadad ayaa ka soo rogmadey magaalada Muqdisho kadib markii roobab culus oo socday…

Midowga Afrika oo ku baaqay in laso Afjaro Dagaalka Gaza
By Ayanle Dhiire
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay in la soo afjaro iskudhacyada u dhexeya ciidamada Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin ee ka socdo marinka Gaza.
Moussa Faki ayaa labada dhinac ugu baaqay inay isugu tagaan miiska wada xaajoodka iyadoo aan wax shuruud ah la isku xirin.
Waxaa uu bayaanka ku sheegay inuu beesha caalamka iyo dalalka dunida awoodda ku leh oo kula talinaya inay mas’uuliyadooda ka soo baxaan oo ay nabad ku soo dabbaalaan Gaza iyadoo la ilaalinaya xuquuqda shacabka.
Waxaa uu xusay in sababta ugu wayn ee ay salka ku hayaan isku dhacyada soo noqnoqday ee Israa’iil iyo Falastiin ay tahay diidmada xuquuqda aasaasiga ee ay dadweynaha Falastiin u leeyihiin madax banaanidooda.
This Post Has 0 Comments