By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Moses kuria oo ka hadlay Dilka nin Qoraa Ahaa
By Ayanle Dhiire
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa aragtidiisa ku biiriyay hadal haynta ka dhalatay afduubkii , dhibaateyntii iyo dilkii Daniel Muthiani oo loo yaqaanay Sniper.
Ninkan ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka warbixinnada kala duwan ku soo gudbiyo baraha bulshada iyo intarneetka wuxuuna ka howlgalayay ismaamulka Meru.
Qoraal uu Moses Kuria soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ayuu ku sheegay inuu si dhow ula socon doono baaritaannada ku aaddan dilkii Sniper ilaa ay qoyskiisa cadaalad ka helayaan.
Daniel ayaa u ololeyn jiray xuquuqul aadanaha wuxuuna sidoo kale ka faalloon jiray arrimaha siyaasadda.
Moses Kuria ayaa hoosta ka xarriiqay in dilka qofkaasi aan la fududeysan karin isagoo cid kasta oo falkan ka dambeysay u sheegay in aynan baxsan doonin oo lagula xisaabtamaya.
Mr. Kuria ayaa intaasi ku daray in dilka Daniel Muthiani uu qayb ka yahay bartilmaameedsiga dhallinyarada Bartamaha dalka oo sida uu qoraalka u dhigay lagu suntay inay xubno ka yihiin kooxaha dalka laga mamnuucay sida Mungiki .
Sniper ayaa la waayay 2-dii bishan waxaana 16-kii bishan Diseembar meydkiisa laga helay webiga Mutonga River ee ismaamulka Tharaka Nithi ka dib labo toddobaad oo la raadinayay.
Baaritaan uu meydkiisa ku sameeyay Dr.Johansen Oduor ayaa lagu xaqiijiyay in Daniel la ceejiyay ilaa uu ka geeriyooday.
Sidoo kale waxaa baaritaanka ku cad in dhaawacyo ay ka soo gaareen dhanka madaxa iyo feeraha.
Toddobaadkan ayay ahayd markii waaxda dacwad oogidda dalka ee (ODPP) ay ballan qaaday inay faahfaahin dheeraad ah arrinkan ka bixin doonto maadaama ay weli galka baaritaanada ka sugeysa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
This Post Has 0 Comments