skip to Main Content

Hawlgalo Amni oo sanadka Dambe laga billabayo ismaamulada Marsabit meru iyo isiolo

By Ayanle Dhiire 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in bisha koowaad ee sanadka soo socdo la sii ballaariyo howlgallada amni ee laga wado 6 ismaamul oo ku yaalla Waqooyiga Gobolka Rift Valley.
Kindiki ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcadda ee gaysta dilalka iyo dhaca xoolaha laga fulin doono qaybo ka mid ah ismaamullada Marsabit, Isiolo iyo Meru oo ay amni darro saameysay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in howlgalladan ay billaaban doonaan marka lagu soo bandhigo wargeyska rasmiga ee dowladda.
Kindiki ayaa xusay in ay u hoggaansami doonaan xeerka dastuuriga ee qeexaya in ka hor inta aan la billaabin howlgallada , dadka aaggaasi ku sugan lagu wargeliyo in ay meelahaasi ka guuraan.
Wasiirka ayaa dhanka kale madaxda la soo doortay uga digay in ay siyaasadeeyaan arrimaha nabad galyada.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top