By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Mucaradka kenya oo manta shaaciin Donoo hindise Maliyadedka sandkan!
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Waxaa lagu wadaa in maanta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan hindisaha maaliyadda ee sanadkan 2023-ka ee si wayn looga hadal hayo gudaha wadanka.
Isbeheysiga Azimio ayaa maalmo ka hor sheegay in maanta ay soo saari doonaan bayaan faahfaahsan oo ku saabsan sababaha ay uga soo horjeedaan qorshahan.
Madaxa mucaaradka Raila Odinga oo horay u dhaliilay hindise maaliyadeedka baarlamaanka loo gudbinaya ayaa sheegay in siyaasiyiinta ka tirsan Azimio lagula taliyay inay ka soo horjeestaan ansixinta hindisaha Finance Bill 2023.
Waxyaabaha hindisaha ku xusan waxaa ka mid ah in canshuurta badeecooyinka iyo adeegyada ee VAT laga dhigo boqolkiiba 16.
Raila Odinga ayaa madaxda taageeraya hindisaha maaliyadda ku tilmaamay cadowga shacabka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 15-ka bishan wasiirka wasaaradda maaliyadda Prof. Njuguna Ndung’u uu baarlamaanka u bandhigo qorshaha sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka!
This Post Has 0 Comments