skip to Main Content

Raila odinga oo xildhibanada mucaradka ku booriyay in aanay taageriin hindise Maliyadedka sandkan!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ku boorriyay xidhibaanada ka tirsan isbeheysigan inay u codeeyaan “maya” hindisaha maaliyadda ee sanadkan 2023-ka.
Raila oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id uu isbeheysiga mucaaradka ku qabtay magaalada Nairobi ayuu sheegay in hindisaha Finance Bill 2023 uu culeys dheeraad ah ku noqon doona shacabka kenyaanka.
Waxaa uu sheegay in tani aynan kenyaanka xamili karin maadaama ay culeysyo ku hayaan canshuuro badan oo hadda laga qaado.
Madaxa Azimio Raila Odinga ayaa ku hanjabay in haddii hindishan uu baarlamaanka meelmariyo ee guud ahaan dalka ka sameyn doonaan dibadbaxyo waaweyn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 15-ka bishan wasiirka wasaaradda maaliyadda Prof. Njuguna Ndung’u uu baarlamaanka u bandhigo qorshaha sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka.
Waxyaabaha ku xusan hindiise sharciyeedka waxaa ka mid ah in dadka mushaar ahaan u qaata 500, 000 iyo wixii ka badan in laga qaado boqolkiiba 35 oo canshuur ah.
Sidoo kale shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan ayaa bil waliba laga jaraya boqolkiiba 3 si loogu biiriyo barnaamijka guriyeynta ee dowladda.
Waxaa sidoo kale hindisahan ku xusan in canshuurta badeecooyinka iyo adeegyada ee VAT laga dhigo boqolkiiba 16!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top