skip to Main Content

Museveni oo shaaciyay tirada askarta looga dilay weerarkii Buulo-Mareer

by abdinajib abdullahi

Kampala (Boundless media) – Madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale ka hadlay weerarkii xooganaa ee todobaad ka hor lagu qaaday saldhig ay ciidankiisa ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan weerarkaasi, isaga oo tirada askarta loogu dilay ku sheegay illaa 54 askari.

Tiradan ayaa aad uga yar middii horay u shaaciyeen Al-Shabaab oo sheegatay inay weerarkaas ku dishay ugu yaraan illaa 137 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida

Weerarkii Buulo-Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa ka mid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in weerarka ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee Buulo-Mareer.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay “Howlgalada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top