By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Musharaxa ugu sameynta badan Jubbaland oo lagu sodhaweeyay Nairobi iyo dadweyne isugu soo baxay
By isxaaq Dr Cabdulaahi Cali oo ah musharax Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Soo dhaweynta musharaxa Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dalka Kenya, waxaana dadku ay siteen boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “Ileyska Mustaqbalka Jubbaland” iyo kuwa kale.
Sidoo kale goobta waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka turjumaysa doorka Dr Cabdulaahi Cali Musharaxa Jubbaland ka cayaari karo marka uu qabto xilka Madaxweynaha iyo cayaaro Hidaha iyo dhaqanka oo lagu soo dhaweynayay.
Dr Cabdulaahi Cali ayaa dadweynihii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen, kuwaasi oo sitay boorar sawiradiisa lagu xardhay.
Musharax Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Dr Cabdulaahi Cali oo ah nin aqoonyahan ah, isla maekaana wax ku soo bartay dalka Mareykanka ayaa dadka odorosa arrimaha siyaasadda waxa ay tilmaameen in Dr Cabdulaahi uu wax badan ku soo kordhin doono bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulsho weynta Jubbaland oo uu h hordeedi doono inay ku noolaadaan Horunar iyo Barwaaqo.
Dr Cabdulaahi Cali Musharax Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo bulshada iyo Saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in ujeeedka socdaalkiisa ay la xiriirto dib u curashada Jubbaland, uuna u horseedi doono bulshada ku nool isbadal dhinacyo badan leh
“Qorshaha kaliya ma ahan in doorasho la qabto, balse waa inaan isbadal la taaban karo ka hirgelino Jubbaland”. Ayuu yiri musharax Madaxweyne Dr Cabdulaahi.
Dr Cabdulaahi Cali ayaa ka mahadceliyey doorka ciidamada Kenya ay ka qaataan xasilinta amniga deegaannada Jubbaland, isaguna xusay in qorshaha uu hiigsanayo uu ku soo bandhigi doono shirarka dambe ee uu la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.
Musharaxa Jubbaland mar uu ka hadlayay colaado ka taagan Degmada Luuq waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda oo waxkasta lagu dhameeyo miiska wada hadalka.
Dr Cabdulaahi Cali Musharax Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu dsmbeyn tilmaamay in Soomaaliya xiligan ay ku talaabsatay horunar oo ay ugu horeyso ku biirista Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, isagoo intaa ku daray inuu ka shaqeyn doono isu soo dhawaanshaha bulshada Jubbaland iyo weliba tan Federaalka.
Dr Cabdulaahi Cali waa aqoonyahan ku nool dalka Mareykanka isla markaana wax badan bulshada u qabtay, lehna dhaqan hogaamineed, waxaana ay taasi horseedi kartaa in uu isbadal dhab ah ka hirgeliyo deegaannada Jubbaland, dibna gacanta dowladda ugu soo celiyo kuwa haatan ka maqan.
Dhamaan dadkii ka qeybgalay soo dhaweynta Musharax Madaxweynaha Jubbaland waxa ay qireen in Dr Cabdulaahi uu yahay shaqsi ku sifoobay ku shaqeynta aragtida dadweynaha, isla markaana ah hoggaamiyihii ugu mudnaa ee u tartama jagada Madaxweynaha Jubbaland.
This Post Has 0 Comments