skip to Main Content

Muwaadin Kenyaan ah oo lagu dilay agagaarka garoonka Muqdisho

Muqdisho (Boundless media) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta nin ajabi ahaa loogu geystay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo u dhashay dalka Kenya lagu dilay goob uu dhisme ka socday oo ku taalla degmada Wadajir, gaar ahaan meel u dhow garoonka Aadan Cadde.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu dilay nin hubeysan oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda, kadibna uu baxsaday.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay muwaadinkan u dhashay dalka Kenya, kaas oo ka shaqeynayay goob uu ka socday dhisme dabaq ah.

Sidoo kale maydka ninkan ayaa lagu soo warramayaa in la geeyay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, si baaris loogu sameeyay dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxayna haatan wadaan howlgallo ku aadan dilka loo geystay ninkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahaan toogashada ninkan oo argagax ku abuuray shaqaalihii ku sugnaa goobta, waxaana lasoo wariyay in dhismihii ka socday goobta uu gabi ahaan istaagay.
Magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo weeraro intaba.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top