skip to Main Content

Muxuu Ahaa Hadalkii Madaxweyne Ruto ee Ay Ku Farxeen Dadka Xoolo Dhaqatada Ah ee Dago waqoyiga Dalka!

By Ayanle Nairobi (Boundless Media)

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Isiolo waxaa uu sheegay in xal loo haayo muran dhanka dhulka ah oo in muddo ka dhexeyay ciidamada difaaca iyo shacabka ismaamulkaasi.

Ruto ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro qorsho lagu ballaarinaya garoonka yar ee diyaaradaha ee Isiolo si halkaasi looga dhoofiyo xoolaha lagu dhaqdo deegaannada oomanaha sida waqooyiga dalka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu jiro qorsho lagu dhisaya ceelasha biyaha isagoo carrabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan karin in tiro badan oo xoolo ah ay abaarta galaafato biyo la’aan awgeed.

  1. ” Dhamaanba Dadka Deeganada xoolo dhaqatada Aya aad uso dhaweyay Hadalka madaxweynaha ee Ah weyneynta Garoonka waxaana la Sugaya sida uu madaxweynuhu u fuliyo Balanqaadkas!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top