skip to Main Content

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri go’aankii Golaha Amaanka QM ee xaaladda Laascaanood?

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Golaha Ammaanka ayaa shalay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xalay madaxtooyada kulan casho kula yeeshay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada, madaxweynaha ayaa ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

“Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Dhanka kale, Isimada SSC ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii dowladda ee masiirka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Waxaa kale oo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Dhaq-dhaqaaqan Muqdisho ku billowday ee ku aadan arrinta Laascaanood ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay istaageen dagaalladii ka socday magaaladaasi, inkastoo ay weli is horfadhiyaan labada dhinac oo mararka qaar is dhaafsada madaafiic.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa tan iyo bishii Febraayo ka taagnaa dagaallo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo kasoo jeeda deegaanka, kuwaasi oo ay ku dhinteen tobanaan qof, kuna barakaceen kumanaan kale.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top