Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Nin da’ah oo loo xukumay la shaqeynta As
by isxaaq Rashiid Yuusuf Xassan Ibraahim 42 Jir ah ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha Ururka Al-Shabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta dilalka qorshaysan fulisa, sida lagu sheegay war kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.
Ciidanka amaanka ayaa ka soo xiray deeganka Ceelasha biyaha Sagaal iyo tobankii bishii Janaayo ee Sanadkan.
Yuusuf ayaa Al-Shabaab fikirkeeda ka qaatay Saaxibkiis oo ay wada deganaayeen Ceelasha.
Xog ka bixinta Gaadiidka u gudbaya Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan kasoo galaya ayuu Kooxda u qaabilsanaa dabinadii uu maleegay ayuuna ka sheegay Basaasida Sadax iyo Toban Gaadiidka Gaashaaman oo ay lee yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ATMIS oo Jidkaas lagu weeraray waxaana mushaar ahaan loo siin jiray Boqol iyo Sodon dollar .
Taliyihiisa ayaa u sheegay in uu usoo dhiibay alaab, waxaana loo dhigay qurac Dhimbil caag shanlo ah oo kor marka laga eego Masago ku jirto, jiridiisana Bastoolad ay dhex taalo.
Yuusuf oo ku hubeysan Bastoolad ayaa ka dul dhacay ciidan Roondo ku jiray sidaas ayuuna ku soo gacan galay.
Baaris dheer ka dib, Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Sideedii bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Yuusuf Xassan Ibraahim 10 sano oo xabsi ciidan ah,
sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu dalban karo Rafcaan.
This Post Has 0 Comments