skip to Main Content

Nin ganacsade ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso

By isxaaq Rashiid Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in bartamaha Magaaladaas Maanta lagu dilay Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade, iyada oo kooxihii ka dambeeyay dilkaas ay baxsadeen.

Alle ha u naxariistee Ibraahim C/raxmaan Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay saaka Magaalada Boosaso, xilli uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday Salaada Subax.

 

 

Ganacsadaha la dilay ayaa la sheegay in uu madax u ahaa bulshada kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ee ku sugan Gobolka Bari, waxaana dilkiisa aad uga naxay Bulshada kunool Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamo katirsan Booliska Puntland ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari iyo laamaha Amniga Magaalada Boosaaso weli kama hadlin dilkaas, wuxuuna kusoo aadayaa xilli Jimcihii lasoo dhaafay gurigiisa lagu dhexdilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal loo geystay Askar, mas’uuliyiin katirsan Maamulka Puntland iyo Ganacsato, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ee ka howlgasha degaannada Puntland.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top