skip to Main Content

NTSA oo warbixin ka soo saartay shilalka dhacay sanadkan

By Abdinajib Abdullahi

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay in tan iyo bishii koowaad ee sanadkan ay dhacdooyin shilal ah ku dhinteen 4,248 qof.
Agaasimaha NTSA,Alice Chesire ayaa hoosta ka xarriiqday in khasaaraha dhaqaale ee Kenya ka soo gaaro shilalka sanadkiiba uu kor u dhaafaya 310 bilyan oo shilin.
Waxaa ay dhaawacyo culus oo gaareen 8,756 qof halka dhaawacyada fudud ee sanadkan la diiwaangeliyay ay yihiin 6,281.
Tani ayaa tirada guud ee dadka ku waxyeeloobay shilalka waddooyinka ee isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhigaysa 19,285 .
Chesire ayaa kenyaanka si gaar ah wadayaasha baabuurta ugu baaqday inay taxaddar muujiyaan.
Tirada mootooyinka ee shilalka galay ayaa ah 1,075 halka 1,010 lagu sheegay baabuurta ganacsiga.
NTSA ayaa intaasi ku dartay in ugu yaraan 997 baabuur oo si khaas ah loo leeyahay ay shilal galeen sanadkan , gaadiidka dadweynaha ee PSVs ee ay dhacdooyinkan saameeyeen ayuu maamulka ku sheegay (565), baabuurta dowladda ee shilalka galay waxay yihiin (41), baskillada (10), iyo saddex ah gurmadka degdegga.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top