skip to Main Content

In ka badan 3.5 milyan oo carruur ah oo laga cabsi qabo inay dugsiyada ka baxaan

by Abdinajib abdullahi

Hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children ayaa sheegtay in marka la gaaro sanadka cusub ay u badan tahay inay dugsiyada ka baxaan ugu yaraan 3.5 milyan oo arday ah.
Tani ayay u aaneysay saameynta abaarta.
Darasaad la sameeyay sanadkii hore ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan 2 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu u dhexeyso 4 ilaa 17 sano aynan goobaha waxbarashada xaadirin xilli dugsiyeedkii saddexaad.
Dhanka kale maamulka qaran ee maareynta musiibooyinka ee NDMA ayaa saadaalinaya in 1.6 milyan oo carruur dheeraad ah ay halis ugu jiraan inay dugsiyada ka haraan bisha koowaad ee sanadka soo socdo.
Meelaha ugu badan ayaa ah ismaamullada gobolka waqooyi bari iyadoo tirada carruurta dugsiyada ka haray ee Mandera ay tahay 295,470 .
Waxaa soo raacda Garissa oo tiradan lagu sheegay 289,410, Wajeer waa 266,540, Turkana 253,640 halka Marsabit ay tahay 107,600 .

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top