Skip to content

Nuradiin Hajji oo lo dhariyay Agasimaha NIS!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa maanta loo dhaariyay qabashada xilka agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.

Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka William Ruto , ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua , madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi , wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki, madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda dhexe.

Nuudiin Xaaji ayaa ku dhaartay inuu u hoggaansami doono xeerarka dastuuriga ah ee dalka isagoo dhammaan kenyaanka ugu adeegaya si siman oo ka madax bannaan eexasho iyo qof jecleysi.

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Mr. Xaaji uu sida habboon uga soo bixi doono xafiiska loo magacaabay.

16-kii bishii hore ee May ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka uu Nuurdiin u soo magacaabay agaasimaha waaxda sirdoonka.

Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha gaashaandhigga , sirdoonka iyo xiriirka dibadda ayaa shalay ansixiyay magacaabidda Nuurdiin Xaaji taasoo oo uu ugu dambeyn baarlamaanka meel mariyay.

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in turxaan bixin ka dib ay ku qanceen inuu u qalmo jagada loo igmaday maadaama uu leeyahay karti shaqo iyo khibrad muddo dheer oo dhanka sirdoonka ah.

Nuurdiin Xaaji ayaa hadda dib ugu laabanaya NIS oo uu horay uga soo noqday agaasime ku xigeen.

Waxaa uu beddelaya Philip Kameru oo lagu wado inuu howlgab noqdo oo adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS hoggaaminayay tan iyo bishii 9-aad ee sanadkii 2014!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top