skip to Main Content

Puntland oo DFS ku eedeysay in aay isbaaro u dhigatay deeqahii loogu talo galay

By isxaaq  Rashiid Maamulka Puntland ayaa  sheegay  in Dowladda federaalka Soomaaliya in ay isbaaro siyaasadeed u dhigatay mashaariicda horumarineed iyo deeqaha Caalamiga ah ee magaca Soomaaliyeed lagu bixiyo.

Wasiirka Maaaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Garowe, xilli ay hareero taagnaayeen Wasiiro katirsan Maamulkaas.

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad waxa uu ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya, in ay hub ku iibsaneyso dhaqaalaha loogu talo galay in ummadda Soomaaliyeed wax loogu qabto.

Wasiirka maaliyadda Puntland wuxuu kaloo sheegay in  Dowladda federaalka ay mashaariicda siiso hay’addo aan la aqoon, isla markaana Arrintaas ay keenayso in mashaariicda waawayn ee dhaqaalaha badan uu ku baxo, ay noqdaan kuwa aan laga helin waxtarkii loo baahnaa.

Eedeyntaam ayaa ku soo aadeysa xiili Puntland iyo Dowladda federaalka Soomaaliya uu ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed oo aan weli xal loo helin.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top