By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Qaramada midoowe oo israa’iil ugu baaqday in ay joojiso deegaameynta Falastiin
Abdinajib Abdullahi
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa Israa’iil u soo jeedisay in ay soo afjarto deegaameynta ay ka wado daanta galbeed iyo bariga Quddus ee dalka Falastiin.
Maamullada Israa’iil ayaa sidoo kale laga dalbaday in aynan sii wadin burburinta guriyaha iyo hantida Falastiiniyiinta.
Qaramada midoobay ayaa Israa’iil ku eedeysay xadgudub ka dhan ah xeerarka caalamiga iyo ku tumashada xuquuqda shacabka Falastiin.
Waxay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa mar kale ayiday warbixin uu sanadkii 2016-kii soo saaray guddiga u qaabilsan arrimaha amniga taasoo deegaamaynta Israa’iil ee gudaha Falastiin ku tilmaantay mid sharci darro ah.