By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Qarax lagu laayay Dad shacab Ah Degmada Dadaab ee Gobolka Garissa
By Ayanle Dhiire
Laba qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Dadaab
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo ruux oo uu ugaas ka mid yahay ka dib qarax duleedka magaalada Dadaab ee ismaamulka Garissa lagula eegtay baabuur siday dad shacab ah
Waxaa gaariga saarnaa 11 qof oo rakaab ah.
9-ka qof ee falkaasi ku dhaawacmay waxay xaaladooda caafimaad daran tahay 5 ka mid ah.
Sidoo kale qaraxa ayaa burbur xooggan gaarsiiyay baabuurka.
Saraakiisha ammaanka oo goobta gaaray ayaa hadda wado howlgallo dheeraad ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurka la qarxiyay uu ku wajahnaa magaalada Kullan oo ka tirsan deegaanka Dadaab oo lagu waday in berri ay ka dhacdo munaasabad lagu caleema saaraya ugaas cusub
” Qaraxyada Noocan Ah Aya aad ooguso batay muddoyinkii Dambe Gobolka Garissa iyado ururka Argagixisada Ah ee Al shabab Ay dad rayid Ah ku laayaan Qaraxyadan Masuuliyiinta Gobolka Ayan wali la imaan Ajendihii loogu hortagi lahaa Dhibatoyiinka iyado hada Ay dadku cabsi badan ka daremaan wadoyiinka Gobolka
This Post Has 0 Comments