skip to Main Content

Kenya_ Gudigii la tacaalida fatahadaha oo sheegay in ay biyihii yaraaden

By Ayanle Dhiire 

Guddiga qaran ee loo xil saaray ka falcelinta saameynta ka dhalatay roobabka culus ee El-Nino ayaa sheegay in ay yaraadeen biyaha daadadka gaar ahaan ismaamullada Lamu, Tana River iyo Garissa.
Guddigan ayaa intaasi ku daray in dowlad deegaannadan aan laga soo tabin barakacayaal hor leh.
Sidoo kale waxaa si dhow loola socdaa xaaladaha shan ismaamul oo kala ah Taita Taveta, Narok, Migori, Homabay iyo Siaya maadaama saadaashii ugu dambeysay lagu sheegay in deegaannadan ay ka di’i doonaan roobab culus halka dabeylo la filaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu jiro qorshaha wajiga labaad ee gargaarka la gaarsiinaya dadka ay saameynta ka soo gaartay daadadka.
9-kii bishan Diseembar ayay ahayd markii dowladda dhexe ay tirada dadka ku dhintay fatahaadaha ku sheegtay 168 qof.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top