skip to Main Content

QM oo cusbooneysiisay xayiraadda hubka ee saaran Suudaanta Koonfureed

by abdinajib abdullahi

(Boundless media)_Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu cusbooneysiinaya cunaqabateynta dhanka hubka ee horay loo saaray Suudaanta Koonfureed.
Cunaqabateynta dhanka hubka ee dalkaasi saaran ayaa hadda sii shaqeyn doonto ilaa 31-da bisha Shanaad ee sanadka 2024.
Waxaa codeynta arrinkan ku aaddan ka gaabsaday waddamada Shiinaha , Ruushka ,Ghana, Gabon iyo Mozambique.
Suudaanta Koonfureed ayaa dal madax bannaan noqotay sanadkii 2011-kii ka dib markii ay ka go’day Suudaan.
Waxaa tani iyo xilligaasi saameyn ku yeeshay xasilooni darro siyaasadeed, macluul iyo musiibooyin dabiici ah.
Intii u dhexeysay sanadihii 2013 ilaa 2018-kii waxaa gudaha Suudaanta Koonfureed lagu dilay 400,000 qof halka malaayiin kale ay ku barakaceen dagaallada sokeeye.
In kastoo sanadkii 2018-kii la saxiixay heshiis nabadeed, waxaa weli socdo rabshadooyin.
Bishii Afaraad ee sanadkan, tirada barakacayaasha gudaha ee Suudaanta Koonfureed ayaa lagu sheegay 2.3 milyan oo qof.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top