Skip to content

Rag reer Lewiston ah ayaa lagu xukumay nidaamka khiyaanada daryeelka caafimaadka

Ridwan Ali

Labada nin ee qaxootiga somalida ah ayaa xafiis ku lahaa Lewiston ka shaqeeya turjumida luqadaha. Qaadi heer fadaraal ah ayaa laba nin ku xukumay inay soo celiyaan lacag gaadhaysa $2.4 milyan.

Nin waxaa lagu xukumay labo oo xabsi ah halka ka kale lagu xukumay sadex sano lugta ka xidhnaandoono. Labadanin ba wey qirteen 2019 danbiga lagu oogay.

Mid ka mid ah ragga oo ahaa agaasime xarun la-talin ah ayaa logu eedeeyay inuu sameeyay sharcidaro si loo beddelo macaamiisha badan si ay ugu sii qalmaan inay helaan lacag-celinta kaarka caafimaadka ee MaineCare.

Qareenka u doodaya ninka lagu xukumay sadex sano ee lugta ka xirnaanaya ayaa sheegay inay u maleyneyso in qaadiga uu qaatay qaab feker leh oo ku aadan xukunkiisa. Si ka duwan eedaysanayaasha kale ee kiiska, macmiilkeedu ma aha muwaadin Mareykan ah waxaana laga yaabaa inuu wajaho suurtagalnimada in la masaafuriyo. Waxay sheegtay in xukunku u oggolaan doonto macmiilkeeda, oo aan haysan rikoodh dembiyeed, inuu waqti la qaato qoyskiisa oo uu ka shaqeeyo si’uu u taageero qoyskiisa.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top