By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo helay damaanad maxkamadeed
by abdinajib abdullahi
Pakistan (Boundless media)_Maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira argagixisannimada ee magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa damaanad ku siidaysay Ra’iisul Wasaarihii hore ee wadankaasi Imran Khan oo wajahaya kiisas dhowr ah.
Warbaahinta maxalliga ee Pakistan ayaa ku warramaysa in madaxa xisbiga (PTI) uu bannaanka damaanad ku joogi doono ilaa 8-da bisha Lixaad ee sanadkan ka dib markii lagu soo oogay ilaa 8 dacwadood oo ku saabsan shaqaaqo bishii Saddexaad ee sanadkan ka dhacday maxkamadda ugu sarreysa wadankaasi.
Sidoo kale xaaska Imran Khan ,Bushra Bibi ayaa iyadana heshay amar maxkamadeed oo ilaa 31-da bishan May ka badbaadinaya in loo xiro kiis ku aaddan musuqa oo ay la xiriirisay waaxda Pakistan u qaabilsan is xisaabtanka ee (NAB).
Imran Khan ayaa galinka dambe ee maanta ka soo hormuuqan doono maxkamad ku taalla magaalada Rawalpindi.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments