Skip to content

Raila odinga oo dibad baxyo hoggamin doono hadii la Ansixiyo Hindise maliyadeedka sanadkan!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa wacad ku maray inuu kenyaanka ku hoggaamin doono dibadbaxyo qaran haddii xildhibaannada baarlamaanka ay meel mariyaan hindise maaliyadeedka sanadkan oo cabasho laga muujinaya canshuurta dheeraadka ah ee uu xambaarsan yahay .
Raila ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulkii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu canshuur uruurin jiray balse aan shacabka la saarin culeysyada hadda ku soo wajahan.
Mr. Odinga ayaa xilli uu booqday ganacsatada suuqa Toi ee ismaamulka Nairobi oo Axaddi hore uu dab qabsaday waxaa uu dowladda ku dhaliilay qorshaheeda maaliyadeed.
Sidoo kale waxaa uu kooxda Kenya Kwanza u qaabilsan wada hadallada kala dhexeya mucaaradka ku eedeyay inaynan daacad ka ahayn geeddisocodka isagoo ku adkeystay inay qasab tahay in la furo keydka guddiga doorashooyinka ee dalka!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top