skip to Main Content

Xog: Muxuu ka billowday DAGAALKA Ceelbarde?

by abdinajib abdullahi

ceelbarde (Boundless media) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo Talaadadii shalay ka qarxay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyo ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad rayid ah.

Haddaba muxuu ka billowday dagaalka Ceelbarde?

Bashiir Maxamed Jaamac oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaciyay xog ku aadan waxa sababay dagaalkaas oo saameyn ku yeeshay degmada.

Ninkan ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu ka bilowdey dhibaato loo geystay gabar uu isagy dhalay iyo gabar kale oo uu dhalay nin askari ah oo dagan degmada Ceelbarde.

Waxa uu tilmaamay in askariga la dhibaateeyay gabadhiisa uu ka carooday falka, kadibna uu tegay ninka dhibaateeyay oo askari kale ah, sidaasna ay ku murmeen, waxaana kadib meesha ka dhacay dagaal toos ah oo dhex maray labada ciidan ee hada iska soo horjeeda.

Labada askari ee murmay ayaa ka kala tirsan Daraawiishta iyo Militeriga, kadibna way is dileen, waxaana xabadda lagala hor maray askarigii militeriga ahaa, ayada oo kadib uu dagaalka sidaas ku qarxay.

“Aniga kula hadlayo gabarteyda ayaa lagu dhibaateeyay magaalada markii aan ka hadlayna xabad ayaa la’iigu jawaabay aniga waa iska samray, nin kale oo walaal ah oo ciidanka ka tirsan ayaa gabadhiisa lagu xadgudbay markii lagu xadgubay wuu dul qaadan waayay isna xabad ayaa loogu jawaabay marka dhibka gabdhaha ku dhacay ayay waxaan ka billowdeen” ayuu yiri Bashiir Maxamed Jaamac oo ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xaaladda ay weli kacsan tahay, isla-markaana ay difaac isugu jiraan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

“Halka aan rabnay in dhufeyska loo qoto oo dhinaca Al-Shabaab waa la beddalay dhufeyskii, Ceelbarde ayay nimanka kusoo jeediyeen” ayuu sii raaciyay.

Ugu yaraan 6 qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi, sida uu xaqiijiyay maamulka degmada Ceelbarde.
Si kastaba, sidaan oo kale ciidmaada militeriga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ugu dagaalamay magaalada Baraawe, waxaana weli ay xiisad ka taagan tahay magaaladaas, taas oo ka bilaabatay khilaaf askarta dhexdeeda ah, balse wuxuu dagaalkaasi isku bedelay mid qabiil, kaas oo saameyn ku yeeshay Koonfur Galbeed.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top