Skip to content

Raila odinga oo edeyn u jediyay madaxweyne Ruto

By Ayanle Dhiire 

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeyay inuu wado qorsho guddoomiyihii hore ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) Wafula Chebukati uu ku noqonaya madaxa waaxda cadaaladda ka hor xilliga doorashada guud ee sanadka 2027-da.

Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in kulankii uu bishii hore madaxweyne William Ruto la qaatay madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome iyo guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula uu ka mid ahaa qorshaha garsoorka looga dhigaya mid la jaanqaadaya danaha golaha fulinta ee dowladda.

Raila oo aan wax caddeyn ah soo bandhigin ayaa ku doodaya in qorshuhu uu yahay in Wafula Chebukati iyo Axmad Isaaq Xasan oo isna soo hoggaamiyay IEBC ay noqdaan garsoorayaal si ugu dambeyn Chebukati loo dallacsiiyo oo loogu magacaabo madaxa waaxda cadaaladda ee dalka.

Waxaa uu dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa waaxda garsoorka ee dalka Martha Koome ka dalbaday inay si daahfuran u soo bandhigaan macluumaadka kulankii ka dhacay xarunta madaxtooyada ee State House iyo ujeeddooyinkooda.

Waxaa eedeynta uu Raila u jeediyay dowladda qayb ka ah inay xukuumaddu aaminsan tahay inay saameyn ku yeelatay maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court oo ay hadda bartilmaameedsanaysa maxkamadaha sare iyo racfaanka.

Waxaa uu su’aal geliyay sababta madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ay golaha fulinta ee dowladda uga codsatay miisaaniyad dheeraad ah iyadoo qoondeynta miisaaniyadda ay ka mid tahay waajibaadka baarlamaanka.

Raila Odinga ayaa Koome ku xujeeyay inay soo bandhigto caddeyn ah inay baarlamaanka miisaaniyad dheeraad ah waydiisatay oo loo diiday.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale su’aal geliyay sababta uu guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula maxkamadda ugu sarreysa dalka uu ugu wargeliyay inuu doonayo inuu racfaan ka qaato go’aankii ay maxkamadaha ku laaleen canshuurta guriyeynta oo uu dhaqangelinaya golaha fulinta ee dowladda dhexe.

Afhayeenka madaxtooyada wadanka Xuseen Maxamad ayaa horay bayaan ugu sheegay in hoggaanka golaha fulinta, baarlamaanka iyo garsoorka ay ka wada arrinsanayeen sida loo cirib tiri karo falalka musuqmaasuqa ee saameeyay saddexda laamood ee dowladda dhexe

 

Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top