skip to Main Content

Sheekh SHARIIF oo farriin culus u diray saddex dhinac kadib dhacdadii Muqdisho

Muqdisho (Boundless media) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday degmada Dharkenleyn, kadib markii nin la sheegay inuu maseeray uu ku gubay xaakiisa, taas oo shalay ku dhimatay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Shariif ayaa tilmaamay in falkan uu noqday mid ka nixiyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, kana baxsan bani’aadanimada.

Allah ha u naxariisto Luul C/casiis Maxamad, geerideeda waxay ka nixisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waa wax laga naxo oo ka baxsan bani’aadannimada in ninkeedii uu gubay Luul oo u shaqayn jirtay 6 carruur ah oo agoon ah iyadoo xaamila ah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in weliuu baxsad yahay eedeysanaha oo lagu magacaabo Sayd Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay raadinayaan laamaha amniga.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dowladda, shacabka iyo bahda garsoorka in loo wada istaago sidii ay cadaaladda ku heli lahayd marxuumad Luul Sheekh Cabdicasiis.

“Waxaa ayaan darro ah inaan wali la soo qaban eedeysanaha, sidaas darteed Hay’adaha amniga, shacabka Iyo garsoorka waxaa xil wayn ka saaran yahay in cadaaladda loo hiilliyo, gacantana lagu soo dhigo eedeysanahaas” ayuu mar kale Shariif ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Booliska Soomaaliyeed uu sheegay inuu baxsaday eedeysanaha, isla markaana uu socdo howlgal culus oo lagu baadi goobayo ninkaasi.

Sidoo kale waxaa farriin loo diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo looga codsaday inay soo sheegaan ciddii aragta eedeysanaha,

“Qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada” ayaa mar kale lagu yiri.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howgalo lagu baadi goobaya ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si’uu cadaalad u maro”

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top