skip to Main Content

Raila oo maanta isku soo bax ku qabanaya Kibra

By Abdinajib Abdullahi

Nairobi (Boundless media)

Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uu maanta isku soo bax siyaasadeed ku qabto deegaan baarlamaneedka Kibra ee ismaamulka Nairobi.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ,Samuel Kobia uu Mr. Odinga ugu baaqay inuu joojiyo kulamada siyaasadeed.
Waxaa uu kula taliyay inuu baaqan tixgeliyo isagoo u daneynaya qaranka si goobaha fagaaraha ah aan loogu adeegsan jeedinta hadallada naceybka ku saleysan ee bulshada kala qaybin karo.
Raila Odinga iyo madaxda kale ee Azimio oo bishii hore taageerayaashooda kula hadlay fagaarooyinka Kamukunji iyo Jacaranda ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu xafiiska baneeyo.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka iyo xulafadiisa ayaa weli ku adkeysanaya inay ku guulaysteen doorashadii guud ee wadanka ka dhacday 9-kii bishii Siddedaad ee sanadkii hore balse natiijada looga shubtay.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top