skip to Main Content

Riala odinga oo Madaxweyne Ruto oogu Baaqay in uu Dadweynaha Dhageysto

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya ,Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu dhageysto oo uu tixgeliyo walaaca ay dadweynaha ka muujinayaan xeerarka maamulka talada haya ee Kenya Kwanza.
Mr. Odinga oo bayaan la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay fiiro gaar ah u lahaato arrimaha shacabka ay ka cabanayaan ama ay isku diyaariso kacdoon aan horay loo arag.
Raila ayaa xusay in isaga iyo madaxda kale ee mucaaradka ay u daneynayaan muwaadiniinta marka ay ka soo horjeedsanayaan qorshayaasha dowladda sida barnaamijka guriyeynta.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa tusaale u soo qaatay in loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC si wadanka mustaqbalka burbur looga badbaadiyo.
Mr. Odinga waxaa uu walaac ka muujiyey qorshaha bil waliba qofka shaqeeya iyo xarunta uu ka howlgalo looga jaraya boqolkiiba min saddex ee mushaarka si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Waxaa uu sheegay in tani aynan kenyaanka xamili karin maadaama ay culeysyo ku hayaan canshuuro badan oo hadda laga qaado.
Dhawaan ayay ahayd markii garabka mucaaradka ee dalka uu wacad ku maray inuu warqad u qoraya qaramada midoobay isagoo codsanaya in loo oggolaado inuu gooni iskaga taago qaranka Kenya.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top