skip to Main Content

Ruto iyo Raila oo ka mid ah hoggaamiyaasha la filayo in ay ka qayb galaan aaska xaaska mid ka mid ahaa halyeeyadii dalka

by Abdinajib Abdullahi 

Nairobi(Boundless media)_Madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka qaybgeli doona aaska loo sameyn doono Field Marshal Mukami Kimathi oo ahayd xaaska Dedan Kimathi oo ka mid ahaa halyeeyadii u soo halgamay madax bannaanida Kenya.
Aaska haweeneydan ayaa dhici doona 13-ka bishan.
Waxaa ay noqoneysa markii ugu horreysay oo labadan siyaasi ay iska xaadiriyaan hal goob, tani iyo doorashadii guud ee sanadkii hore.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Ruto uu ka qaybgeli doono aaska haweeneydan.
Mr. Gachagua ayaa sheegay in haweeneyda iyo seygeeda Dedan Kimathi ay si mutadawacnimo ah isugu xilqaameen inay la dagaalamaan ciidamadii gumaystihii Ingiriiska si ay dalka uga xorreeyaan.
Dhanka kale, ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Raila Odinga, ayaa ku boorriyay in aas qaran loo sameeyo haweeneydan lagu tilmaamey haliyeeyad.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top