Skip to content

Sarkaal katirsan Ciidamada Jubbaland oo ku dhintay Daadadka roobka & Xildhibaano ka hadlay

By isxaaq Rashiid Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay Daadadka Roobka iyo fatahaada uu Wabiga Jubba ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Alle ha u naxariistee waxaa Daadadka roobka ku geeriyooday Sharmaake Cabdullaahi Maxamed oo katirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, xilli uu ku sugnaa degaanka Buula-Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka tacsiyadeeyay xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ina Ilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun,
Waa geeri aad u naxdin iyo xanuun badan, waxaan uga tacsiyeynayaa nafteyda iyo tan qoyska iyo qaraabada geerida ku timid walaalkey #Sharmaake C/laahi Mohamed oo tirsanaa saraakiisha safka hore ee dagaalka ee ciidanka Daraawiishta Jubaland oo daadadkii ka dhashey roobabkii mahiigaanka ahaa uu qaadey isagoo gudanaaya waajibaadkiisa, deegaanka #Buula_Gaduud ee Gobolka Jubadda Hoose.
Ilaahey naxariistii jano ha siiyo, qoyska, caruurta iyo dhammaan ehalka kale uu ka geeriyoodeyna samir & iimaan ha naga wada siiyo, Aamiin, aamiin.
Degaannada iyo degmooyinka Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ugu daran ee uu Wabiga ka fatahay, sidoo kale daadadka ay saameynta ku yeesheen, waxaana ku geeriyooday dad farabadan kuwo kalena ay ku barakaceen.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top