skip to Main Content

Sawirro: Ganacsiga Soomaaliya oo lagu xirayo midka caalamka

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa uu muhiim u yahay isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq-geeyo khayraadka dihan ee Soomaaliya.

Mudane Xamza oo ka hadlayey sida lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma horumarinta dhaqaalaha, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saareyso abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka in uu suuqa Soomaaliya u furan yahay, islamarkaana la meel-mariyey shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu si gaar ah u xusay dalka Talyaaniga oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kaluun, muus iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Waxa uuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxa ay hadda diyaar u tahay in la maalgashado, taasi oo ay xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri-galinayso shirarka noocaan ah ee muhiim u ah isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top