skip to Main Content

Sharciga cusub ee canshuuraha carruurta ayaa nolol u ah qoysaska Maine qaarkood.

Lacagta billaha ah waxaa la siinayaa ilaa 230,000 qoys oo reer Maine ah, qayb ka mid ah amaahda canshuuraha carruurta ee la ballaariyay halkaasna uu ansaxiyay Golaha Koongareeska iyadoo la raacayo Sharciga Qorshaha Samatabbixinta Mareykanka.

Lacagtaas waxaa la bilaabi doona bishaan fooda noosaaran ee 7aad, ay u soo dhacayso $300 marka caruurta ay da’doodu ka yartahay 6 halka $250 ay u soo dhacayso caruurta ka weyn 6 aana gaadhin 18.

Hadii aad buuxisay cashuuraad celiska sanadii 2019 iyo 2020 waxaad lacagta ku heli kartaa akownkaada ama jeeg ahaan lagugu soo diri doono.

Adeegga Dakhliga Gudaha ayaa warqad ku soo diray guryahah dadka u qalma lacagtaan taas oo bilaabmi doonta bisha 7aad 15eeda.

Wixii akhbaar ee soo korodha halkaan kala soco.

Back To Top