Skip to content

Somalida qaxootiga ku ah Maraykanka oo la siiyay waqti dheeraada ay ku joogaan dalkaas

Abdinajib Abdullahi

Baaq ka soo baxay Hay’adda Adeega Muwaadinimada iyo Socdaalka ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay aqbaleen codsiyada Nidaamka badbaadada Ku-meel-gaarka ee TPS oo la siinayso Muwaadiniinta Soomaalida ee aan Sharciga lahayn ee ku nool Maraykanka.

War-murtiyeed ka soo baxay hay’adaas ayaa lagu sheegay inay aqbaleen Codsiyadda Nidaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ee Joogitaanka Maraykanka ee TPS ee la siinayso Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Syria, Yemen, Venezuela iyo Myanmar.

Dhanka kale, muwaadiniinta shantaasi waddan ee loo oggolaaday Joogitaanka Maraykanka waxaa loo oggolaaday inay muddo 2 sano ah ku nolan karaan, kana shaqaysan karaan gudaha Maraykanka. Nidaamka Badbaadada KMG ee Joogitaanka Maraykanka waxaa la siiyaa Muwaadiniinta ay dalalkooda uga soo cararay Masiibooyinka Dabiiciga, Dagaallada iyo Qalaalsaha Siyaasadeed iyo Amni.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top