Skip to content

Somaliland oo sheegtay inay qabatay Basaasiin la Shaqeeynayay Ciidamada SSC Khaatuma

By isxaaq RashidMaamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay Ciidamadooda gacanta ku dhigeen Afar rag basaasiin ah oo siwyen ula Shaqeeynayay Ciidamada SSCKhaatuma ee dagaalka kula jira Ciidamada SSC Khaatuma.

War kasoo baxay Hay’adda ugu sareysa amniga Somaliland  ee Nabadsugida ayaa lagu sheegay in, iyaga oo laamaha kale ee nabadgelyada degmada Oog ku qabatey rag la Shaqeeynayay SSC Khaatuma.

Hay’adda Nabadsugida soomaaliland ayaa waxaa ay ku kala sheegtay Magacyada raga ay howlgalka ku qabteen  Cabdifataax Cali Cabdi, Cabdifataax Xasan Cilmi, iyo Cabdirashiid Muxumed Ibraahim oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee xogaha amniga siin jiray kooxaha huwanta ah ee ka dagaalama Laascaanood, sida lagu sheegay qoraal ayhay’addu ku baahisay Barteeda X ama twitter.

Warkan kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Sool ay ka taagan tahay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Ciidamada Soamliland iyo kuwa Maamulka Khaatuma oo dhowr jeer dagaalamay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top