skip to Main Content

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

Muqdisho (Boundless media) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo yeeshay wad-hadallo gaar ayaa arrimo xasaasi ah ka wada-hadlay, kadib markii ay kulmeyn wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo safiirka dowwladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Safiir Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay kamid yihiin shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan wasaaradda iyo dowwladda Qatar.

Wasiir Maxamed Cilmi ayaa Danjire Abdolla Salem Alnuaimi uga xog-waramay dedaallada ay wasaaraddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta xirfadaha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

Dhankiisa safiirka Qatar oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu la shaqeyn doono wasaasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, si ay ugu guulaysto howlaha adag ee horyaallla.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa uga mahadceliyay safiirka soo dhaweynta quruxda badan, isaga oo sidoo kale ballan qaaday xoojinta xiriirka.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top