skip to Main Content

Soomaaliya oo shir gudoomisay shir ka dhacay Itoobiya Maxaa looga hadlay?

By isxaaq Rashiid Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa shir gudoomiyay shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa, sida ay baahisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Booskaan oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, ayaa waxaa xiligaan hoggaanka u haysa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa kamid ah dedaalka iyo tartanka ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto helista hogaaminta Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Africa ee sanadaha 2025-2026, booskaas oo ay Soomaaliya rajo ka qabto in ay hesho.

Wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa ka qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top