skip to Main Content

Nin ganacsado aha oo lagu dilay gaalkacyo iyo warar ka soo baxaya

By isxaaq Rashiid Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay nin ganacsade ah.

Dabley hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan ayaa waqooyiga Gaalkacyo ku dilay marxuum Axmed Tahliil Xaaji Aadan oo kamid ahaa ganacsatada degaanka.

Kooxda hubaysan ayaa ganacsade Axmed Tahliil ku dhex dilay goobtiisa ganacsi oo ku taalla halka loo yaqaan Jiiro Cabdullaahi Yuusuf.

Kooxda dilka fulisay oo sida la sheegayo gaari watay ayaa markiiba goobta isaga cararay islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay dilkaasi.

Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top