Skip to content

Taliyaha guud ee booliiska oo sheegay inay sharci darro yihiin dibadbaxyada mucaaradka

Kenya (Boundless media)_Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr.Japhet Koome ayaa sheegay inay sharci darro yihiin dibadbaxyada ay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya doonayaan inay gudaha wadanka ka dhigaan maanta, berri iyo maalinka Jimcada ah.
Koome ayaa mudaaharaadyada ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga qaranka.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku xusay in laamaha ammaanka aan lagu wargelin dibadbaxyada sida uu dastuurka qabo sidaasi awgeedna saraakiisha booliiska ay sida ku habboon uga falcelin doonaan.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska Kenya ayaa arrin laga qoomamoodo ku sheegay in dibadbaxyadii wadanka ka dhacay ay sababeen dhimashooyin, dhaawacyo iyo hanti la burburiyey.
Waxaa uu intaasi ku daray in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu si buuxda u gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta nolosha kenyaanka iyo hantidooda.
Koome ayaa xubnaha bulshada ee sharciga u hoggaansamaya ku boorriyay inay sidii caadiga ahayd u wataan howlahooda maalinlaha ah.
Waxaa uu dhanka kale saraakiisha amniga ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay u xaqiijinayaan nabad galyada.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top