skip to Main Content

Guddoomiye ku xigeenkii degmada Awdheegle oo lagu dilay MUQDISHO

By abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa qaybo kamid ah degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka fuliyay ay rasaas ku fureen marxuumka, taas oo ka haleeshay qaybaha sare ee jirkiisa, wuxuuna ku geeriyooday isla goobta.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo u dhow xarunta madaxtooyada.

Marxuum Faqay Cabdulle ayaa sidoo kale ahaa Nabaddoon caan ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilka oo la hadlay Shabakadda Wararka ee Boundless media 

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale innoo sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay qaybo kamid ah degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah ehellada marxuunka oo ka hadlay dilka ayaa ka codsaday dowladda federalka Soomaaliya cadaalada, maadaama lagu dilay goob ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.

“Gacan ka xaq-darran ayaa dishay nin Shabaab ahaa ayaa dilay fakaday, taas ma ii suurtageleyso, saaka marka la dilaayay meeshaan dharcad ayaa buuxday” ayuu yiri.

Toogashadan ayaa qayb ka noqoneyso falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo weeraro qaraxyo ah oo qaarkood ay sheegatay Shabaab.
Si kastaba dhibaatooyinkan amni darri ayaa dhacaya xilli ay dhankooda Muqdisho howlgallo ka wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top