skip to Main Content

Tibor Nagy “ Soomaaliya haddii ay diiday isbadalka AMISOM waa inay Shabaab iska celisaa”

By Abdinajib abdullahi

Tibor Nagy oo ah Diblomaasi Diblomaasi Mareykan ah oo xilal kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha dibadda sdalkaasi ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ee lagu diiday wax ka bedeka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Tibor oo horey usoo noqday kaaliyihii xoghayaha Arrimaha Debadda ee Africa, sido kalana soo ahaa   Danjiraha Maraykanka ee dalalka Guinea iyo Ethiopia ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga rabo inay iska celiso Al-Shabaab haddiiba ay diidan tahay qorshaha Midowga Africa ee AMISOM.

Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay leedahay ciidamo aad u farabadan oo awoodi kara inay soo afjaraan Al-Shabaab.

“Haddii Dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn isbeddellada la soo jeediyay in lagu sameeyo AMISOM, waa inay qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda. Ciidammada Soomaaliya marka la isku daro Aad ayey uga fara badan badan yihiin al-Shabaab.. Dagaalka waa inay kusoo af-jaraan hal maalin..” ayuu yiri Tibor Nagy.

”Soomaaliya waxay u baahan tahay Dawlad u shaqeysa Soomaalida ee aan ka shaqeysan..” ayuu sii raaciyey oo u muuqda inuu ku jeesjeesayo mowqifka dowladda Soomaaliya

Tibor Nagy ayaa Muqdisho yimid Janaayo 2020, isagoo wadahadal la yeeshay dowladda Federaalka sida Ra’iisal wasaarihii xilligaasi Xasan Cali Kheyre.

Dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan rabin islamarkaana raali ku ahayn qorshaha Guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ah in howlgalka AMISOM la ballaariyo lagana dhigo mid si wadajir ah u fulinayaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa sheegay in Soomaaliya la gelinayo xeerka nambar 7 ee Qaramada Midoobey,howlgalka cusub oo billaabanaya Bisha January ee sanadka soo socdana loo qorsheynayo maalgelin joogto ah.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hindisaha Guddiga nabadda iyo Aniga ee Midowga Afrika ay diidday Soomaaliya mar kalena ay ku celineyso diidmadeeda qayaxan.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top